U bood dhigaalka

Somaliland oo go’aamo cusub ka soo saartay arrimaha E-Visa iyo maamulka hawada

Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay war rasmi ah oo ay kaga hadashay arrimaha la xiriira maamulka hawada sare, nidaamka dal-ku-galka (E-Visa), iyo xiriirka ay arrimahani la leeyihiin hay’adaha caalamiga ah ee duulimaadyada.

War-saxaafadeedka oo ka kooban afar qodob ayaa lagu caddeeyay mowqifka Soomaaliland ee ku aaddan maamulka hawada iyo nidaamka socdaalka.

Qodobka koowaad ee bayaanka ayaa lagu sheegay in Soomaaliland ay si buuxda u leedahay maamulka iyo bad-qabka hawadeeda, dhulkeeda, badda ku xeeran.

Xukuumaddu waxay caddeysay in oggolaanshaha isticmaalka hawada sare laga heli karo oo keliya Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradaha, si waafaqsan shuruucda gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee duulimaadyada, sida hadalka loo dhigey.

Qodobka labaad ayaa diiradda saaraya nidaamka E-Visa ee ay dhawaan soo saartay Soomaaliya, kaas oo Somaliland sheegtay inuusan khusayn dhulkeeda, isla markaana aan lagu soo geli karin, iyadoo la adeegsanayo.

Xukuumaddu waxay tilmaantay in Soomaaliland leedahay nidaam u gaar ah oo socdaalka ah, kaas oo qofka u safraya dalka uu ku heli karo dal-ku-galka (Visa on Arrival) marka uu yimaado Garoonka Cigaal International Airport ee Hargeysa ama Berbera International Airport.

Qodobka saddexaad ayaa tilmaamaya in laga bilaabo 10-ka November 2025, dhammaan diyaaradaha isticmaala hawada Somaliland ay waajib ku tahay in ay haystaan oggolaanshaha isticmaalka hawada ee laga helo Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradaha.

Xukuumaddu waxay sheegtay in diyaaradaha aan haysan rukhsad rasmi ah aan loo oggolaan doonin inay maraan hawada sare ee Somaliland, cidda jebisana laga qaadi doono tallaabooyin sharci ah sida uu dhigayo xeerka duulimaadyadu.

Qodobka afraad ee war-saxaafadeedka ayaa ahaa baaq ay Somaliland u dirtay beesha caalamka, oo ay ugu yeertay hay’adaha duulimaadyada ee caalamiga ah sida ICAO, IATA, iyo Qaramada Midoobay inay ka feejignaadaan khilaafka hawada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka ay qaaday dowladda Soomaaliya ay khatar ku yihiin bad-qabka duulimaadyada rayidka ah ee isticmaala hawada labada dhinac, iyadoo maamulka hawada loo adeegsaday dano siyaasadeed, sida ay Soomaaliland sheegtay.