U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jabuuti oo markii lixaad isu sharraxay xilka madaxtinimada

Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si rasmi ah mar kale isu sharraxay xilka madaxtinimada dalkaas, isagoo markan u tartamaya muddadii lixaad tan iyo markii uu talada dalka qabtay sannadkii 1999-kii.

Xisbiga talada haya ee (RPP) ayaa si rasmi ah u magacaabay Madaxweyne Geelle inuu noqdo musharraxooda rasmiga ah ee doorashada soo socota, taasoo la filayo inay qabsoonto sannadka 2026.

Madaxweyne Geelle, oo hadda da’diisu ku dhowdahay 80 sano, ayaa sheegay in uu codsiga musharaxnimadiisa uu ka jawaabayo baaq ka yimid shacabka Jabuuti, kuwaas oo sida uu sheegay ka codsaday inuusan talada ka tegin, balse uu markale isu sharraxo xilka madaxtinimada.

Sannadkii 2021-kii, intii lagu jiray ololihii doorashada, ayuu sidoo kale sheegay in shacabka dalkiisu ay ku dhiirrigeliyeen inuu sii wado hoggaaminta dalka.

Si kastaba ha ahaatee, goobta iyo habka uu sheegay in shacabka Jabuuti codsigaasi uga yimid lama shaacin, iyadoo mucaaridka dalkaasi ay dhaliil adag u jeediyeen qaabka hoggaamintiisa, gaar ahaan dib-u-eegistii dastuurka ee lagu kordhiyay muddada xil-hayntiisa, taasoo keentay in uu muddo dheer sii hayo talada dalka.

Madaxweyne Geelle ayaa xilka hayay 26 sano, isagoo soo maray shan doorasho (2000, 2005, 2011, 2016, iyo 2021), dhammaan waa uu ku guuleystay, iyadoo mucaaridku inta badan ku eedeeyeen in doorashooyinkaasi aysan si xor iyo cadaalad ah u dhicin.