U bood dhigaalka

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shirka 21-aad ee madasha iskaashiga cuntada iyo beeraha Afrika

Shirka 21-aad ee Madasha Iskaashiga Barnaamijka Horumarinta Cuntada iyo Beeraha Afrika ayaa saacado ka hor si rasmi ah uga furmay magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya ku matalay masuuliyiin ka socda Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi.

Madashan sannadlaha ah  ayaa sanadkan diiradda saaray diyaarinta qaaradda Afrika ee hirgelinta Bayaanka Kampala iyo Qorshaha Istiraatiijiga ah ee cusub (2026–2035) ee dhawaan la ansixiyey, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay in la xoojiyo wax-soo-saarka beeraha, amniga cuntada, iyo adkaysiga cimilada ee dalalka Afrika.

Shirka ayaa fursad muhiim ah u ah dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, hay’adaha caalamiga ah iyo saaxiibada horumarinta, si ay uga wada hadlaan istaraatiijiyado iyo siyaasado lagu horumarinayo wax-soo-saarka cuntada, maamulka dhulka iyo biyaha, iyo iskaashiga gobolka ee dhinaca beeraha.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay ka qaybqaadashada barnaamijyada iyo hindisayaasha lagu xoojinayo nidaamyada wax-soo-saarka cuntada, maamulka waara ee dhulka iyo biyaha, iyo iskaashiga gobolka ee hoos yimaada qaabka CAADP.