Safaaradda Mareykanka oo sheegtay in la jabsaday E-Visa ee DFS iyo Shirkado Duulimaadyada qaarkood oo Joojiyay ku shaqayntiisa
Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa saacado ka hor ku dhawaaqday in la jabsaday nidaamka E-Visa ee dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo keentay in si buuxda loo helo xogta kumannaan qof oo hore uga diiwaangashanaa nidaamkaas.
Warka safaaradda ayaa lagu sheegay in xog muhiim ah oo ay ku jiraan magacyada, sawirrada, lambarrada baasaboorka iyo faahfaahin kale oo shaqsiyeed lagala baxay nidaamka dowladda E-Visa.
Safaaradda ayaa uga digtay muwaadiniinteeda in ay ka fogaadaan isticmaalka nidaamka E-Visa ilaa amniga lagu soo celinayo, iyagoo tilmaamtay in xogta dadka codsaday fiisaha ay halis u gashay in loo adeegsado ujeeddooyin khatar ah.
Kadib markii la shaaciyay jabsashada, shirkado duulimaad oo qaarkood laga leeyahay UK iyo kuwa kale oo ka shaqeeya dalalka Khaliijka oo ay ku jirto shirkadda Flydubai ayaa ku waramay in ay joojinayaan aqbalidda E-Visa ee Soomaaliya.
Shirkadahan ayaa sheegay in socdaallada qaar, gaar ahaan kuwa ku wajahan Hargeysa iyo Berbera, lagu qaadan doono fiiso toos ah oo laga bixiyo garoonka halkii laga sugi lahaa fiisaha elektarooniga ah ee dowladda federaalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin jiritaanka jabsashada E-Visa ama tallaabooyinka lagu ilaalinayo xogta dadka codsaday E-Visa, iyadoo bogga rasmiga ah ee nidaamkuna uu haatan u muuqdo mid hakad qarka u saaran.
Jabsashadan iyo jahawareerka ka dhashay ayaa saameyn ku yeeshay socdaalka caalamiga ah ee dadka u soo socdaalaya Soomaaliya, waxaana khubaro amni oo fara-badani ay ka digayaan in xaaladdani ay u baahan tahay baaritaan degdeg ah iyo wada shaqeyn.