U bood dhigaalka

Dekadda Muqdisho oo hadda ka dib Maalin Iyo Habeenba shaqayn doonta

Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,ayaa si rasmi ah u daahfurtay nidaam cusub oo Dekadda Muqdisho u oggolaanaya inay maalin iyo habeen si isku mid ah u shaqeyso, iyadoo sidoo kale la bilaabay isku socodkii rasmiga ahaa ee gaadiidka xamuulka ee gudaha dekadda ka howlgalaya.

tallaabadan oo lagu tilmaamay mid taariikhi ah ayaa kor u qaadeysa howlaha ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka, waxaana munaasabadda xarig jarka hannaankan cusub ka qeyb-galay wasiirka dekadaha XFS, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho, maareeye ku-xigeenka dekadda, madaxda Shirkadda Muqdisho Alport, iyo saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka caasimadda.

Masuuliyiintan ayaa sheegay in hawlgalka 24-ka saac ee dekaddu uu hoos u dhigi doono waqtiga ay alaabaha ganacsigu ku qaataan dib u dhaca, isla markaana uu si weyn u fududeyn doono dhaq-dhaqaaqa ganacsatada iyo shirkadaha xamuulka.

Mas’uuliyiinta goobta ka hadlay ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid ka qeyb qaadan doonta xoojinta amniga gudaha dekadda, hagaajinta adeegyada, iyo kor u qaadidda hufnaanta shaqooyinka maalinlaha ah.

Dekadda Muqdisho oo markii hore maalintii keliya shaqayn jirtay ayay ganacsata, gaar ahaan kuwa gaadiidka xamuulka qaada lihi culaysyo badan kala kulmi jireen.