U bood dhigaalka

Dowlad goboleedka waqooyi bari oo mamnuucday safridda dadka ka yar 30 sano

Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya ayaa soo saartay amar cusub oo lagu joojinayo safarrada dadka da’doodu ka yar tahay 30 sano, kadib markii ay kordheen cabashooyinka ku saabsan tahriibka iyo kooxaha magafeeyaasha oo adeegsanaya tiknoolajiyad casri ah si ay u marin-habaabiyaan dhalinyarada.

Warqad rasmi ah oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyoDib-u-dhiska DGWB, Cabdulqaadir Cabdi Warsame, oo loo diray dhammaan shirkadaha duulimaadyada iyo hay’adaha socdaalka, ayaa lagu faray in gebi ahaanba la mamnuuco dhoofista dadka ka yartahay 30 sano, haddii ujeeddada safarkoodu aanay ahayn mid cad oo sharciyaysan.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay heshay xog muujinaysa in hay’adaha qaarkood ee bixiya tigidhada ay si aan taxaddar lahayn u fasaxayaan safarro lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin tahriibka.

Dadka ka tahriibaya deegaanada waqooyi bari, Puntland, iyo Soomaaliland ayaa aad u kordhay muddooyinkan, ayadoo bulshadu ay arrintaas si weyn walaac uga muujisay