DFS oo si rasmi ah uga hadashay jabshada nadaamka E-Visa
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) ayaa shaacisay in ay ogaatay isku day xadgudub sharci-darro ah oo lagu beegsaday qaybo ka mid ah xogta rakaabka ee nidaamka socdaalka dalka (e-TAS).
Hay’addu waxay sheegtay in marka la dareemay falkaas ay qaadeen tallaabooyin degdeg ah oo lagu hakiyay, una socdo baaritaan ballaaran oo lagu ogaanayo waxa dhacay, iyadoo lagu dadaalayo in la yareeyo saameynta uu ku yeelan karo muwaadiniinta iyo dadka safarka ku jira.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa arrintan siisay mudnaan gaar ah, waxaana degdeg loogu magacaabay guddi baaritaan oo heer qaran ah, ayna ku jiraan xeeldheereyaal amni oo caalami ah, kuwaas oo takhasus u leh amniga dhijitaalka, forensiga, iyo ilaalinta xogaha muhiimka ah.
Gudigan ayaa baaritaan ku samaynaya baaxadda iyo ujeeddada weerarka dhijitaalka ah, si loo ogaado halka uu ka yimid iyo waxa uu beegsaday.
HSJ ayaa xaqiijisay in marka baaritaanka rasmiga ah la soo gabagabeeyo la soo saari doono warbixin dhammeystiran oo faahfaahinaysa natiijooyinka, tallaabooyinka la qaaday, iyo caddeymaha ay helaan.