Dowladda Soomaaliya oo digniin adag u dirtay dadka iyo shirkadaha macdanta sida sharci darrada ah uga qoda dalka
Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay qaadayso tallaabooyin adag oo ka dhan ah dhammaan howlaha macdan-qodista sharci darrada ah ee ka socda gudaha dalka, kuwaas oo ay fulinayaan shakhsiyaad iyo shirkado isugu jira muwaadiniin iyo ajnabi.
War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay u xilsaaran tahay oggolaanshaha rasmiga ah ee sahminta iyo soo saarista khayraadka macdanta dalka, iyadoo la raacayo Dastuurka KMG ah iyo heshiisyada dalka u degsab ee la xariira lahaanshaha, maamulka, iyo wadaagga dakhliga khayraadka dabiiciga ah.
Wasaaradda ayaa sheegtay in macdan-qodista sharci darrada ahi aysan ahayn oo keliya xadgudub ka dhan ah gobannimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, balse ay sidoo kale noqotay il dhaqaale oo sharci darro ah oo loo adeegsado maalgelinta falalka argagixisada, arrintaas oo khatar weyn ku ah amniga dalka iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.
Iyadoo ka duuleysa arrimahaas, Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta waxay si cad ugu baaqday dhammaan dadka iyo hay’adaha ku lug leh hawlaha macdan-qodista aan sharciga waafaqsanayn inay si degdeg ah u joojiyaan dhammaan howlahooda.
Wasaaraddu waxay uga digtay in haddii aan la joojin, dowladda federaalka ay qaadi doonto tallaabo kasta oo sharci ah oo lagama maarmaan u ah ilaalinta khayraadka macdanta ee dalka, iyadoo u hoggaansamaysa shuruucda gudaha iyo kuwa caalamiga ahba.
Wasaaradda ayaa ku adkaysatay in khayraadka dabiiciga ah uu yahay hanti guud oo shacabka Soomaaliyeed wada leeyihiin, isla markaana ay ka go’an tahay difaacidda iyo ilaalinta hantidaas si looga hortago musuq-maasuqa, dambiyada abaabulan iyo maalgelinta argagixisada.