U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in nadaamka E-Visa uu kaalin ka qaadanayo sugidda amniga

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in hirgelinta dal-ku-galka elektarooniga ah (eVisa) ay kaalin muhiim ah ka ciyaarayso sugidda amniga dalka, gaar ahaan ka hortagga in xubno ka tirsan kooxda argagixisada IS ay ka deggaan gobollada Puntland iyo Somaliland.

Wasiir Fiqi oo ka hadlayay arrimaha socdaalka iyo ammaanka dalka ayaa caddeeyay in nidaamka eVisa uusan wax dhibaato ah ku hayn shacabka, balse uu yahay hannaan casri ah oo fududeynaya soo gelitaanka dalka , isla markaana xoojinaya la-socodka dadka soo galaya Soomaaliya.

Isagoo arrintaas ka hadlayay wuxuu yiri: “Dastuurka dalka odaygii Faroole ayaa soo qortay; afar qodob ayuuna Federaalka ka siiyey, Socdaalka ayaana ka mid ah, E-VISA cidna laguma dhibayo, intii aan furnay hal ruux oo IS ah kama degin Puntland & Somaliland. Waddankun waa ilaashan yahay.”

Wasiirka ayaa sheegay in markii nidaamka eVisa la dhaqan geliyay ay suurtagashay in la ogaado lana celiyo shaqsiyaad ku lug leh falal amni-darro, kuwaas oo haddii nidaamku jiray la’aantiis ay si fudud ku geli lahaayeen dalka.

Hannaanka E-Visa ayaa la xariira arrimaha socdaalka oo ay maamusho dowladda Federaalka Soomaaliya, markii la eego awoodaha uu Dastuurku siinayo, balse Puntland iyo Soomaaliland ayaa si weyn u diidan, ayagoo xittaa sheegay inaan maamulka hawada lagu aamini karin DFS.