Dalxiisayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya soo booqanaya oo si weyn u kordhay sanadihii la soo dhaafay
Soomaaliya, oo muddo dheer dunida kaga caan ahayd colaadaha sokeeye, burcad-badeednimada iyo xaaladaha amni oo aan degganayn, ayaa sanadihii u dambeeyay galashay isbeddel tartiib tartiib ah oo dhanka dalxiiska ah.
Inkastoo ay weli jiraan digniino caalami ah oo ku saabsan ammaanka dalka, haddana xiisaha ay dalxiisayaasha caalamigu u qabaan booqashada Soomaaliya ayaa si lama filaan ah u kordhay, gaar ahaan dadka jecel safarrada halista leh iyo kuwa doonaya khibrad ka duwan dalxiiska dhaqanka.
Sida lagu sheegay warbixin ay qortay shabakadda Travel and Tour World, Sanadkii 2024, Soomaaliya waxaa soo booqday ku dhowaad 10,000 oo dalxiisayaal ajnabi ah, taas oo ka dhigan kordhin 50% ah marka loo eego sanadkii ka horreeyay.
Kororkaan degdegga ah ayaa dhacay xilli dowladaha reer Galbeedku weli uga digayaan muwaadiniintooda safarka Soomaaliya sababo la xiriira amni darrada dalka ka jirta.
Si kastaba ha ahaatee, digniinahaasi ma aysan yarayn xiisaha dadka doonaya safarrada geesinimada leh, kuwaas oo Soomaaliya u arka meel ay ka helayaan khibrad dalxiis oo aan laga helin dalal badan oo caadi ahaan loo booqdo.
Kaalinta ugu weyn ee kororka dalxiiska waxaa ka ciyaaray shirkadaha ku takhasusay safarrada khatarta loo arko, Shirkadahaan ayaana intooda badan ka shaqeeya dalalka ay adag tahay in si sahlan loo booqdo, ayadoo uu si muuqata u kordhay abaabulka safarrada Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loo tago caasimadda Muqdisho.
Dalxiisayaasha safarka ku tagaya Muqdisho waxaa inta badan hagaya kooxo ammaan iyo khubaro maxalli ah, taas oo ka dhigaysa inay helaan waayo-aragnimo ammaan leh oo si habaysan loo qorsheeyay.
Kororka xiisaha dalxiiska ayaa muujinaya in Soomaaliya ay si tartiib ah uga soo kabanayso sumcad xumadii hore ee ahayd dal aan la booqan karin.
Dalxiisayaasha soo booqda ayaa marar badan ku ammaana dhaqanka qaniga ah ee bulshada Soomaaliyeed, soo dhaweynta dadka, iyo quruxda dabiiciga ah ee xeebaha iyo dhulka bannaan.
Dhanka kale, caqabadaha dalka ka jira sida ammaanka oo aan si buuxda u sugnayn, kaabeyaasha dalxiiska oo weli liita, iyo adeegyada martigelinta oo koobani waa wax weli taagan, balse ma aysan joojin xiisaha sii kordhaya ee caalamiga ah.
Inkastoo safarka Soomaaliya uu weli u muuqdo mid aan ku habboonayn dalxiisayaasha qoysaska ama kuwa doonaya fasax nasiino fudud, haddana waxaa muuqata in dalka uu si tartiib ah uga helayo kalsooni cusub oo ah meel ku habboon dadka jecel safarrada.
Dalxiiska noocaan ah ayaa noqon kara fursad dhaqaale oo weyn haddii dalka uu sii hormariyo amniga iyo adeegyada dalxiiska.
Soomaaliya waxay hadda ku jirtaa marxalad ay dib ugu dhiseyso sumcaddeeda caalamiga ah, iyadoo dalxiisku u muuqdo inuu noqon karo mid ka mid ah fursadaha dhaqaale ee ugu muhiimsan mustaqbalka dhow.