U bood dhigaalka

Warbaahinta reer galbeedka oo si weyn u hadal-haysa dalxiiska Soomaaliya

Warbaahinta dunida, gaar ahaan mid reer galbeedka ayaa si weyn u hadal-haysa dalxiiska Soomaaliya, ayadoo sheegaysa in dalku uu soo hagaagayo markii la eego dhinaca kaabeyaasha dalxiiska iyo soo jiidashada booqdeyaasha shisheeye.

Warbixin ay qortay wakaaladda wararka ee AFP ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojinaysa dadaallada lagu dhiirrigelinayo dalxiiska, xilli tirada dadka dalka soo booqda ay si tartiib tartiib ah u kordhayaan, inkasta oo ay jiraan caqabado amni oo wali jira.

Wasiirka warfaafinta XFS oo sidoo masuul k ah waaxxda Dalxiiska Soomaaliya, mudane Daa’uud Aweys Jamaac, ayaa u sheegay AFP in ku dhowaad 10,000 oo dalxiisayaal ay dalka yimaadeen sanadkii hore, ayna suuragal tahay in tiradaasi laban-laabanto sanadka 2025.

Muuqaallada Xeebta Liido ee Muqdisho ayaa muujinaya mid ka duwan sawirkii muddo badan laga haystay caasimadda: carruur ku dabaalanaysa biyaha buluugga ah, qandaraaslayaal iibinaya alaabo, iyo qoysas faraxsan oo daawanaya dalxiisayaal doonyo yar ka soo degaya.

Sheryl, oo kasoo jeeda Maraykanka, ayaa tiri iyadoo socod ku maraysa Liido: “Qoyskeyga si buuxda uguma aanan sheegin halka aan u socdo… laakiin tan iyo markii aan diyaaradda ka degnay, waan ku nasanayay, Waxba kama aha sidii aan maqlayay.”

Mogadishu ayaa sanadihii u dambeeyay laga dareemay isbeddel dhinaca amniga ah, Dowladda ayaana sheegtay in weerarrada magaalada ka dhici jirey ay hoos u dhaceen 86% tan iyo 2023, iyadoo laga hirgeliyay kaamarado ilaalin, bar-hubinno casri ah iyo ciidammo joogto u howlgala.

Dowladda ayaa sheegtay in dalxiisayaasha soo booqda dalka intooda badani ay ka yimaadaan Shiinaha, Maraykanka iyo Turkiga.

Labada dalxiise ee Maraykanka ah, Sheryl iyo ninkeeda Richard, oo uu la socday hal askari oo ilaalo ah, ayaa u muuqday kuwo xiiseynaya dhaqanka magaalada, balse aan ka cabsi qabin xaaladda.

Soomaaliya ayaa ah dal hodan ku ah muuqaallada quruxda badan ee dabiiciga ah, goobaha qadiimiga ah, dhaqanka wanaagsan, buuraha la yaabka leh, iyo webiyada ay ku hareeraysanyihiin beeraha quruxda badani, balse arrimo amni ayaa keenay in sanado badan lagu soo dhiiran waayay.