U bood dhigaalka

DFS oo Shirkad laga leeyahay Norway u saxiixday suuq-geynta shidaalka dalka

Shirkadda caalamiga ah ee xogta dhulka iyo badda baarta ee TGS oo fadhigeedu yahay norway, ayaa ku dhawaaqday in dib u cusbooneysiisay heshiis ay horay ula gashay dowladda Federaalka Soomaaliya,  gaar ahaan Hayโ€™adda Shidaalka Soomaaliyeed ee Somali Petroleum Authority โ€“ SPA), taas oo u ogolaaneysa inay sii wado suuq-geynta iyo ruqsadeynta xogaha geophysical ee badda Soomaaliya.

Heshiiskan oo dib loo cusbooneysiiyay ayaa adkeynayaa ballanqaadka TGS ee muddada dheer ee ku aaddan taageeridda horumarinta khayraadka tamarta ee Soomaaliya.

TGS waxay leedahay maktabad xogeed oo ballaaran oo u saamaxaysa shirkadaha tamarta inay qiimeeyaan fursadaha baaritaanka saliidda iyo gaaska ee xeebaha dalka.

Xogaha TGS ee hadda la suuq-gaynayo waxaa ka mid ah:

In ka badan 46,000 km oo ah xog casri ah oo 2D seismic ah
iyo Ku dhowaad 50,000 km oo xog aeromagnetic ah

Xogtan ayaa muhiim u ah shirkadaha doonaya inay qiimeeyaan maalgashiga ku saabsan block-yada badan ee badda ku yaalla ee loo diyaariyey ruqsadaha baaritaanka.

David Hajovsky, oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka TGS, ayaa sheegay in kordhinta heshiiska ay mar kale muujineyso sida shirkadda ay uga goโ€™an tahay inay ka qayb-qaadato kobcinta barnaamijka ruqsadeynta shidaalka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.