Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay qorshaha xoojinta shuruucda dalka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Francesca Di Mauro, waxaana ugu horeyn safiirka ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka faahfaahin ka siisay howlaha xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxayna Golaha Shacabka ku bogaadisay howlaha la xiriira sameynta shuruucda saldhiga u ah dowladnimada Soomaaliya.
Kulanka ayaa sidoo kale diirada lagu saaray xoojinta iyo dardargelinta wada shaqeynta Golaha Shacabka iyo Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya gaar ahaan shuruucda xoojineysa horumarka dowladnimo ee Soomaaliya, arrimaha la xiriira dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka iyo sidii Midowga Yurub u xoojin lahaa taageerada uu siiyo Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee uu mar walba la garab taaganyahay Soomaaliya, isagoo tilmaamay inuu Golaha Shacabka uu xoogga saarayo islamarkaana uu ka shaqeynaayo sidii dastuurka loo qabyo tiri lahaa iyo sidii shacabka Soomaaliyeed awooda gacantooda loogu celin lahaa, si ay usoo doortaan hoggaanka dalka.