Booliska Soomaaliya oo xabsi u taxaabay labo qof oo lagu eedeeyay inay gabar yar jirdil u geysteen
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Booliska Warta Nabadda, ayaa gacanta kusoo dhigay laba eedeysane oo lagu magacaabo Xasan C/kariin Maxamed iyo Shukri Cali Xasan, kuwaas oo loo haysto inay jirdil iyo dhaawac u geysteen gabar yar oo 13 jir ah, laguna magacaabo Caasho Cali Cabdi.
Wararka hordhaca ah ee ka soo baxaya baaritaanka Booliska ayaa xaqiijinaya in gabadha dhibbanaha ah ay ku noolayd guriga eedeysanayaasha, halkaas oo lagu tuhunsan yahay in muddo ay uga socdeen jirdil, cabsi-gelin iyo tacaddi joogto ah, kuwaas oo ah falal si weyn uga soo horjeeda dhaqanka, sharciga iyo bani’aadannimada.
Eedeysanayaasha ayaa haatan ku jira gacanta Ciidanka Booliska, waxaana la filayaa in loo gudbiyo maxkamadda awoodda u leh si loo horgeeyo caddaaladda, loona marsiiyo sharciyada dalka u yaalla.