U bood dhigaalka

Shirweynihii 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo si rasmi ah uga furmay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa maanta martigelinaysa furitaanka Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, oo sanadkii 3-aad lagu qabanayo caasimadda, ayadoo ay ka qeyb-galayaan in kq badan 300 oo culumo awdiin,
aqoonyahanno, iyo xeeldheerayaal arrimaha diinta iyo bulshada ah.

Shirweynahan ayaa sanadkan diiradda lagu saaray is-dhexgalka bulshada, xoojinta amniga, iyo midnimada dadka Soomaaliyeed, xilli dalka uu wajahayo marxalado siyaasadeed iyo amni oo isbeddel ku socda.

culimada ayaa la filayaa inay soo jeediyaan talooyin iyo xalka sal u ah isu soo jiididda bulshada, fahamka diinta, iyo ka shaqeynta nabadda.

Culimada Soomaaliyeed ayaa kamid ah hoggaanka ugu muhiimsan ee bulshada, ayagoo waanada iyo wacyigelinta ummadda kaalin weyn ka qaata, islamarkaana bulshada ku baraarujiya waxyaabaha ay dantoodu ku jirto.

.