U bood dhigaalka

Labo ruux oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay magaalada Garoowe

Taliska Booliiska Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen nin waday gaari ku lug yeeshay shil khasaaro dhimasho leh sababay, kaas oo ka dhacay gudaha magaalada.

Wararka rasmiga ah ee Booliiska ayaa xaqiijinaya in shilkaasi uu sababay dhimashada laba ruux, midkoodna uu ahaa askari ka tirsan ciidanka Booliiska Puntland.

Shilka ayaa dhacay ka dib markii gaari nuuca raaxada ahi uu jiiray dad saarnaa moota Bajaaj, ayadoo dhimashada laba ruux ka sokow ay dhacdadaasi sababta dhaamacyo uu ku jiro wadihii gaarigu raaxadu.

Eedeysanaha oo aan magaciisa shaacin ayaa la sheegay in si degdeg ah gacanta loogu dhigay, waxaana hadda gacanta ku haya Booliiska iyadoo lagu dabiiibayo isbitaal, islamarkaana ay baaritaanno dheeri ahi ku socdaan.

Booliiska ayaa sheegay in kiiska si dhab ah loo baari doono, isla markaana sharciga la horgeyn doono eedeysanaha si loogu qaado tallaabo ku habboon, si caddaaladda loo waafajiyo.