Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo baaq layaab leh u diray kooxda Alshabaab
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq u jeediyay kooxda Al-Shabaab, isaga oo ku adkeystay in dhammaan xubnaha ka tirsani ay qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo helo xog dhameystiran oo ku saabsan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku biiray argagixisada.
Madaxweynaha oo ka hadlayay arrimaha amniga iyo qaadashada kaarka aqoonsiga ayaa yiri: “AS oo dhan xijaab ama koofiyad ha soo qaato, ha qaato kaarka Aqoonsiga. Farahooda iyo wejigooda halla kaydiyo, Muwaadin Soomaali ah oo argagixiso noqday waaye, ha yimaaddeen ha qaateen, mushkilad uma aragno.”
Hadalkan Madaxweynaha oo fasiraado kaaka duwan laga bixiyay ayaa muujinaya in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in dhammaan dadka Soomaaliyeed, oo xitaa kuwa aragtiyaha xagjirka ah aaminsani ay ku jiraane ay qaataan Kaarka Aqoonsiga si dhaqdhaqaaqooda loola socdo.
Qofka qaadanaya kaarka aqoonsiga waxaa qasab ah inuu la yimaado warqad dembi la’aan ah ama CID-da uu ka soo qaatay, balse helitaanka kaarku ma ahan arrin mamnuuc ka ah dambiilayaasha iyo xitaa dadka argagixisada lala xariirinayo, maxaa yeelay waxaa fududaanaysa in xogtooda lala socdo sida ay qabaan xeeldheereyaasha ammaanku.