Puntland oo soo saartay amar lagu xirayo qofkii qaata Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee NIRA
Maamulka Puntland ayaa si kulul uga hor yimid hirgelinta iyo qaadashada kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ee dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku hanjabtay in qof kasta oo lagu arko isagoo wata kaarka NIRA la xarrimi doono.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Ceydiid Dirir, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe, ayaa si cad u sheegay in Puntland aysan aqbalayn kaarka NIRA, isagoo ku eedeeyay dowladda Federaalka inay barnaamijkan u isticmaashay siyaasad ka baxsan nidaamka federaalka.
Wasiirku wuxuu sheegay in hadalka ay dowladdu ku difaaceyso kaarka NIRA uu yahay mid ay si toos ah uga muuqato isku milanka dowladda Federaalka iyo kooxda Al-Shabaab, isagoo xusay in arrintan ay hore uga hadleen madaxda Puntland iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed.
“Qofkii lagu arka kaarka NIRA waa xarig, DFS iyo kooxda Al-Shabaab waa isku milmeen, Xasan Sheekh baana afkiisa ka sheegay.” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Ceydiid Dirir, isagoo ku adkaystay in Puntland aysan oggolaan doonin wax kasta oo keeni kara khatar amni ama mid siyaasadeed.
Puntland ayaa marar badan ka hor timid nidaamka NIRA tan iyo markii la hirgeliyay, iyagoo sheegay in qorshaha dowladdu uusan waafaqsaneyn dastuurka iyo heshiisyadii lagu dhisay nidaamka federaalka.