U bood dhigaalka

Muxuu yahay qorshaha halista ku ah Soomaalida Mareykanka ee uu wado maamulka Trump ?

Maamulka Trump ayaa qorsheynaya inuu dib-u-eegis ku sameeyo dhammaan qaxootigii galay gudaha Maraykanka intii lagu jiray maamulka Biden, sida lagu sheegay warqad ay heshay wakaaladda wararka ee AP.

Tani waa tallaabadii ugu dambeysay ee ka dhan ah barnaamij muddo tobannaan sano ah soo dhaweyn jiray dadka ka soo cararaya dagaallada iyo dhibaatooyinka ka jira dalal ay Soomaaliya kamid tahay.

Dib-u-eegistan ayaa la filayaa inay keento jahwareer iyo cabsi saameyn doona ku dhowaad 200,000 qaxooti oo mudda xileedkii Biden la geeyay gudaha Maraykanka.

Waxaa la filayaa dacwado sharci ah oo ka kooxaha xuquuqda qaxootiga u doodayaahi ay tillaabadan kaga hortagayaan, iyadoo  qaar badani ay tallaabadan ku tilmaameen mid ka mid ah dabeecadda khallafsan ee maamulka ee ka dhanka ah dadka isku dayaya inay nolol cusub dhistaan.

Warqadda, oo uu saxiixay agaasimaha USCIS Joseph Edlow, lana qoray Jimcihii, ayaa sheegaysa in xilligii Biden mudnaanta la siiyay degdeg”iyo tiro badan oo soo galooti ah, halkii laga hormarin lahaa hubin iyo baaritaan faahfaahsan.

maamulka Trump wuxuu sheegay in loo baahday dib-u-eegis dhammaystiran iyo dib – u-wareysi guud oo lagu sameeyo dhammaan qaxootiga la soo qaatay 20 Janaayo 2021 ilaa 20 Febraayo 2025.

Warqaddu waxay intaas ku dartay in muddo saddex bilood gudahood ah la diyaarin doono liiska dadka dib loo wareysan doono, taas oo saameyn doon kumanaan Soomaali ah oo dalkaas galay sanadihii la soo dhaafay.

Kooxaha u dooda qaxootigu waxay sheegeen in magangelya doonku (Qaxootigu) caadiyan ay yihiin dadka ugu badan ee la baaro marka loo eego dadka kale ee Maraykanka imanaya, isla markaana ay sanado badan sugaan inta aan laga soo qaadin dalka ay joogaan.

Soomaalida oo kamid ah dadka cadaadiska ugu badani saaranyahay ayaa wadnaha farta ku haya, ayagoo wajahaya culaysyo badan oo si weyn u saameeyay noloshooda iyo dhaqdhaqaaqooda.