U bood dhigaalka

Maxaa kamid ah qobadihii ka soo baxay shirweynaha culimada Soomaaliyeed?

Shirweynihii 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo muddo maalmo ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah looga soo gabagabeeyay, iyadoo culimada iyo wufuudda kasoo qeybgalay ay soo saareen dhawr qodob oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Shirka, oo ay ka qeyb galeen boqolaal culumo ah oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dalalka dibadda, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa mideynta bulshada, nabadda, iyo ka hortagga fikradaha xagjirka ah ee halista ku ah bulshada.

Culimada ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay midnimo iyo isu-tanaasul, iyagoo hoosta ka xarriiqay in shacabka Muslimiinta Soomaaliyeed ay ka gudbaan kala-qoqobka iyo khilaafaadka soo jireenka ah.

Waxay si gaar ah u adkeeyeen in laga fogaado qabyaaladda, colaadaha sokeeye, iyo dagaal-beeleedyada oo ay ku sheegeen caqabad weyn oo hakisay horumarka iyo wadajirka Soomaalida.

Sidoo kale, culimada ayaa baaq mideysan u diray in si wadajir ah oo isku duuban loola dagaallamo kooxaha argagixisada ah ee ka soo horjeeda dowladnimada dalka, iyagoo tilmaamay in amniga iyo xasilloonida ay yihiin mas’uuliyad wadajir u taalla dowlad, culimo, iyo bulsho.

Qodob kale oo si xooggan shirka looga muujiyay wuxuu ahaa anshax-xumada ku faafaysa baraha bulshada. Culimada ayaa ku boorriyay dhalinyarada, bulshada inteeda kale, iyo qaar ka mid ah baraha bulshada u adeegsada aflagaado ama marin-habaabin in ay ka waantoobaan falalkaas dhaawacaya akhlaaqda iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, culimada ayaa fariin gaar ah u diray siyaasiyiinta dalka, iyagoo ku adkeeyay inay danta guud iyo midnimada shacabka ka hormariyaan dano gaar ah oo horseedi kara kala-fogaansho iyo khilaaf cusub.