Trump oo ku dhawaaqay go’aan gebi ahaanba lagu mamnuucayo soo galootiga ka imaanaya dalalka dunida 3-aad
Madaxweynaha Mareykanka, Donald J. Trump, ayaa ku dhawaaqay go’aan culus oo uu ku hakiyay socdaalka iyo muhaajiriinta ka imanaya waxa uu ugu yeeray dalalka dunida saddexaad, kuwaas oo ay Afrika ugu horreyso.
Tallaabadan cusub oo lagu sheegay “Hakin joogto ah” ayaa saamayn ballaaran ku yeelan doonta codsadayaasha fiisaha, qaxootiga, iyo dadka doonaya inay si sharci ah ku galaan Mareykanka.
War-saxaafadeed Aqalka Cadi uu maanta soo saaray ayaa lagu sheegay in dowladda ay dib-u-eegis ku samayn doonto dhammaan fiisooyinka iyo Green Card-yada ay haystaan muhaajiriinta ka yimid dalalka la liiska galiyay, taas oo micnaheedu yahay in dad hore u joogay Mareykanka laga yaabo in dib loo qiimeeyo sharciyadooda.
Qoraalka ayaa sidoo kale tilmaamay in muhaajiriinta ka imanaya dalalka uu ku tilmaamay kuwo aan wax faa’iido dhaqaale u ahayn Mareykanka” aanan la aqbali doonin inta lagu jiro qiimeynta cusub ee socdaalka.
Go’aankan ayaa si gaar ah u saamaynaya bulshooyinka Afrikaan-Amerikaan iyo qurbajoogta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool gobollada Minnesota, Ohio iyo Washington, kuwaas oo horey uga cabanayay siyaasadaha socdaalka ee nidaamka Trump.
Ururrada u dooda xuquuqda muhaajiriinta ayaa ku tilmaamay tallaabadan ciqaab guud oo lagu beegsanayo bulshooyin dhan, iyaga oo sheegay in sabab kasta oo siyaasadeed aan lagu cadaadin karin muhaajiriin aan wax dembi ah gelin.
Siyaasiyiinta mucaaradka iyo sharciyaqaanada Mareykanka ayaa durba bilaabay inay su’aalo ka keenaan sharci ahaanshaha amarkan oo lagu tilmaamay mid si weyn u beddeli kara siyaasadda socdaalka Mareykanka, waxaana la filayaa in dacwado sharci ah maxkamadaha la horgeeyo, maadaama tallaabadani ay taabanayso malaayiin qof oo dalal kala duwan ka soo jeeda.