U bood dhigaalka

Dowladda Kenya oo sheegtay inay tillaabo adag ka qaadayso dhallinyarada Soomaaliyeed ee TikTok-ga isticmaasha

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay qaadayso tillaabo adag oo ka dhan ah dhalinyaro baraha bulshada ku faafiyay muuqaallo ay ku dul istaagayaan calanka Kenya, arrintaas oo ay mas’uuliyiintu ku tilmaameen anshax-darro iyo xadgudub ka dhan ah astaanta qaranka.

dhalinyaradan ayay dowladda Kenya sheegtay inay ka yimaadeen magaalada Muqdisho, islamarkaana ay isku duubeen muuqaallo TikTok-ga lagu faafiyay, iyagoo taagan wadooyinka Nairobi kuna dul istaagaya calanka Kenya, arrintaas oo si weyn hadal hayn uga dhex abuurtay  bulshada iyo baraha internet-ka.

Wasiirka Caafimadka Kenya, Aden Barre Ducaale, oo arrintan ka hadlay, ayaa si cad u cambaareeyay falkaas, isaga oo sheegay inaan marnaba la aqbali doonin in lagu xadgudbo astaamaha qaranka.

“Muqdisho ayey ka yimaadeen dhalinyarada muuqaalada TikTok-ga isaga duuba waddooyinka Nairobi ee ku istaagey calanka Kenya, naguna ma aqbaleyno in lagu istaago calan dal leeyahay,” ayuu yiri Wasiir Ducaale.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa sheegay in baaritaan lagu sameyn doono dadka ku lugta leh dhacdadan, islamarkaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono haddii lagu helo dambiga lagu eedeeyay.

Dowladda ayaa sidoo kale ka digtay in baraha bulshada aan loo adeegsan falal dhaawici kara xiriirka bulshada ama xushmadda calanka iyo astaamaha qaranka.

Arrintan ayaa imaneysa iyadoo TikTok uu si xoog leh ugu faafay Kenya, isla markaana uu noqday madal dhalinyarada qaarkood ay ku sameeyaan dhacdooyin dhalinaya hadal hayn iyo muran bulsho.