U bood dhigaalka

Maxay salka ku haysaa xiisadda ka taagan magaalada Saylac?

Xiisad ka dhalatay abaabulka munaasabad la doonayo in lagu soo Bandhigo Xeerka Ciisaha oo dhawaan UNESCO u aqoonsatay dhaxal dhaqameed muhiim ah ayaa maalmahan ka taagan magaalada taariikhiga ah ee Saylac, taas oo keentay muran bulsho, mudaharaadyo iyo qalqal amni.

Murankan ayaa sababay kala qeybsanaan bulsho, ayadoo dooddu ay gaartay in xitaa lahaanshaha magaalada la isku qabsado, waxayna xukuumadda Soomaaliland aaggaas geysay ciidamo dheeraad ah.

Qayb ka mid ah bulshada deegaanka, gaar ahaan odayaasha iyo waxgaradka, ayaa si cad uga soo horjeestay qabashada xafladdaas, waxayna ku doodaan in aan si buuxda loo tixgelin talada dadka deegaanka, ayna diidan yihiin in magaalada lagu qabto munaasabado ay abaabulayaan dad dibad uga yimid degmada.

Wararka ayaa tilmaamaya in dhalinyaro ka timid deegaano kale oo ay ku jiraan kuwa ka soo socda Jabuuti iyo gobolka Siti ee deegaanka Soomaalidu ay magaalada ku qulqulayaan, ayagoo aan marin habraaca saxda ah ee socdaalka.

Qalalaase kooban oo ka dhashay isku dhacyo u dhexeeyay dhalinyaro diiddanaa iyo kuwa taageersanaa qabashada xafladdaas ayaa sababay in xaafado ka mid ah Saylac ay saacado gasho xaalad kacsanaan ah, ayadoo ciidamo amni ay Soomaaliland aaggaas geysay.

Dhanka kale masuuliyiin ka socda Soomaaliland iyo odayaal dhaqan ayaa wada dadaallo lagu qaboojinayo xiisadda, ayadoo baaqyo kala duwan arrintaas laga soo saaray.

Saylac ayaa muddo dheer ku suntanayd magaalo taariikhi ah oo xasilloon, balse xiisaddan ayaa laga cabsi qabaa inay wiiqdo degganaan sanaantii sanadaha badan lagu caana maalayay.