U bood dhigaalka

Soomaaliland oo xabsiga u taxaabtay Siyaasi Jaamac Shabeel oo dhowaan safar ku tagey magaalada Laascaanood

Wararka ka imaanaya magaalada Wajaale ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka Soomaaliland ay xireen siyaasiga caanka ah ee Jaamac Shabeel, xilli uu ka soo laabtay safar uu ku tegay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Woqooyi-Bari.

Inkasta oo aan weli la helin war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda, haddana xariga lagu sheegay siyaasigan ayaa dhalinaya hadal-hayn siyaasadeed oo xooggan.

Jaamac Shabeel ayaa dhowaan safar dhawr maalmood qaatay ku tagey magaalada Laascaanood, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey, una kula kulmay madaxda maamulka Woqooyi-Bari iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shabeel waxa uu markii hore ujeedada safarkiisa Laascaanood ku sheegay inuu madaxda Waqooyi Bari kala hadli doono arrimaha maxaabiista ku xiran magaaladaas, balse intii uu joogay halkaas waxa uu sheegayay hadallo hadan oo qaarkod ay Soomaaliland dhibsatay.