U bood dhigaalka

Afrika oo maxkamad la tiigsanaysa gumeysteyaashii Qaaradda dhibaatooyinka ka geystay

Dalalka Afrika ayaa qaadaya tallaabo taariikhi ah oo ay ku doonayaan in gumeystayaashii reer Yurub lagu hor keeno maxkamadaha caalamiga ah, si loogu xisaabtamo dembiyadii iyo burburkii ay ka geysteen Qaaradda muddo ku dhow afar boqol oo sano.

shir ballaaran oo dhowaan madaxda iyo khubarada Afrika ay ku yeesheen magaalada Aljaris ee dalka Aljeeriya, ayaa si qoto dheer looga dooday raadadkii gumeysiga iyo sidii loo heli lahaa cadaalad buuxda.

Shirka, oo ay ka qeyb-galeen inta badan dalalka Afrika, ayaa diiradda lagu saaray ururinta caddeymo rasmi ah oo ku saabsan xadgudubyadii ay geysteen quwadihii reer Yurub, kuwaas oo ay ka mid yihiin dilalka, addoonsiga malaayiin Afrikaan ah, boobka kheyraadka dabiiciga ah, dejinta xuduudaha qaldan, abuurista colaad qowmiyadeed, iyo dhulal la siiyay ajaanib aan Afrikaan ahayn.

Intaas waxaa dheer, dalalka shirka isugu yimid waxay hoosta ka xariiqeen in dhaawaca gumeysigu uusan aheyn mid taariikheed oo keliya, balse uu si toos ah u saameeyay siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga qaaradda maanta.

Waxaa shirka ka soo baxay go’aan ah in la aruuriyo xogta iyo  caddeymaha dembiyadii qaaradda ka dhacay waqtigii gumeystaha ka dibna ay afrika qabsato qareenno maxkamadaha caalamiga ah dacwado uga fura.

Qaaradda Afrika oo kamid ah meelihii uu gumeystaha reer yurub sida ba’an u naafeeyay ayaa ilaa haatan la daalaa-dhacaysa natiijada ka dhalatay kala qoqobkii gumeystaha iyo cadaawaddii uu ka dhex abuuray.