U bood dhigaalka

Booliska oo xabsiga u taxaabay nin macallin ah oo anshax xumo lagu eedeeyay

Sida ay xaqiijiyeen ilo amni oo lagu kalsoon yahay booliska Soomaaliya ayaa xiray nin macallinnimo ku shaqeynayay oo saacadihii la soo dhaafay uu baraha bulshada ku faafay muuqaal anshax xumo ah oo laga duubay.

Ninkan oo carruur yar yar wax barayay ayaa muuqaal laga duubay asagoo dhunkanaya gabadh aad u da’yar, waxaana ka dacwooday waalidiintii carruurta uu wax u dhigayay.

Taliyaha qaybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Mu’min, ayaa amarka ninkaas lagu xiray bixiyay, ayadoo looga mahadceliyay sida dhakhso ah ee uu uga falceliyo tabashooyinka bulshada, isla markaana uu tallaabo degdeg ah uga qaado arrimaha dhaawaca amniga iyo kalsoonida shacabka.