Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Halgamaa Cali Maxamed Hiraabe
Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo waxgarad isugu jira aqoonyahanno iyo odayaal dhaqan ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Halgamaa Maxamed Cali Hiraabe oo ka tirsanaa ururkii SYL, kaas oo maanta geeriyooday.
Marxuumka, oo kaalin muhiim ah ka soo qaatay halgankii gobannimada iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliyeed, ayaa sidoo kale ahaa Xildhibaan iyo wasiir xilal ka soo qabtay dhowr wasaaradood intii lagu jiray dowladdii rayidka ahayd.
Waxaa ka mid ahaa xilalkii uu soo qabtay Wasaaradda Warfaafinta, xilligii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa Allaha u naxariistee C/rashiid Cali Sharma’arke.
Daa’uud Aweys ah wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka hadlayey taariikhda marxuumka ayaa yiri:
“Allaha u naxariistee Marxuum Cali Maxamed Hiraabe oo ka mid ahaa hogaamiyeyaashii Xisbigii SYL, sidoo kalena dhowr wasaaradood soo maamulay, geeridiisu waxay taabaneysaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed maadaama uu dalkeenna ku lahaa taariikh mug leh. Waxaan uga tacsiyadeynayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna qoyskiisa iyo carruurtiisa.”
Geerida Cali Maxamed Hiraabe “Hagareey” ayaa wada taabatay qalbiyada bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan jiilkii siyaasadda iyo halganka dowlad-dhiska, maadaama uu kamid ahaa ragii dhidibada u taagay hay’adihii dowladeed ee ugu horreeyay dalka ka dib xornimada.