DFS oo Ka hadashay hadalladii Madaxweyne Donald Trump uu Ku Aflagaadeeyay Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay hadalladii uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uga gafay shacabka iyo dalka Soomaaliya, kuwaas oo maalmahii la soo dhaafay hadal-heyn xooggan ka dhex abuuray bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka.
Mudane Xamse oo su’aal laga weydiiyay sababta ay Dowladda Soomaaliya uga aamusaneyd dhaleeceynta Madaxweyne Trump, ayaa sheegay in hadallada Trump aysan ku koobneyn Soomaaliya oo keliya, balse ay ahaayeen kuwo uu ku beegsaday dalal kale oo Afrikaan ah, sida Nigeria iyo Koonfur Afrika.
Wuxuu xusay in Trump uu si guud u aflagaadeeyay dalal badan, wuxuuna intaa ku daray in mararka qaar ay jiraan arrimo siyaasadeed oo ay muhiim tahay in la iska dhaafo oo aan la buunbuunin.
“Donald Trump Soomaaliya keliya ma caayin ee dalal badan ayuu af xumeeyay — Nigeria ayuu u gefay, Koonfur Afrika ayuu wax ka sheegay, waxaa jira waxyaabo si nabad-gelyo ah lagu dhaafo, marka in la buunbuuniyo waxaa ka fiican in la iska dhaafo” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.
Hadalkan ayaa u muuqda mid dowladda Soomaaliya ay doorbideyso in si xasilloon oo diblomaasiyad leh loola tacaamulo hadallada ka imanaya hoggaamiyeyaasha dalalka saaxiibka la ah, gaar ahaan kuwa xiriir istaraatiiji ah la leh Soomaaliya sida Mareykanka.