U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo Ansixiyay Xeerka Dhismaha Ciidamada Heeganka ee Bariga Afrika

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay heshiiska aas-aasiga ah ee dhismaha Ciidamada Heeganka Bariga Afrika (East Africa Standby Force – EASF), taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga gobolka iyo iskaashiga difaaca ee dalalka Bariga Afrika.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo ka hadlay kulanka ansixinta kadib, ayaa Xildhibaanada uga mahadceliyay taageeradooda iyo fahamka ay muujiyeen ee ku aaddan muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay ka mid noqoshada ciidankan heeganka ah.

Wasiiru Dowluhu wuxuu tilmaamay in ansixintani ay si rasmi ah u dhammaystirayso ka qeybgalka Soomaaliya ee howlgalka EASF, kaas oo ujeedkiisu yahay in dalalka gobolka ay yeeshaan awood ciidan oo degdeg uga jawaabi karta xaaladaha amni darro, fatahaado, masiibooyin iyo khataro kale oo soo wajaha Geeska Afrika.

Ciidamada Heeganka Bariga Afrika oo ka kooban dalal dhowr ah oo gobolka ka tirsan, ayaa waxaa la aasaasay si loogu diyaariyo cutubyo tababaran oo si degdeg ah loogu adeegsado xaaladaha degdegga ah.

Soomaaliya oo muddooyinkii dambe horumar ka sameyneysay dib u dhiska ciidamadeeda, ayaa ku biirista EASF u aragta fursad lagu xoojinayo iskaashiga difaaca, korna loogu qaadayo awoodda iyo xirfadaha ciidamada qaranka.