Maxaa looga hadlay shirka caalamiga ah ee uu wasiirka maaliyadda XFS uga qeyb-galay Nairobi?
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa ka qeyb-galay shir heer caalami ah oo muddo labo maalmood ah ka socday magaalada Nairobi, kaas oo uu soo qaban-qaabiyay Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, iyadoo diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka, lana xoojin lahaa iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera.
Shirkan oo muhiim u ahaa xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee taageera dib-u-dhiska iyo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, waxaa goobjoog ka ahaa hay’adaha iyo dowladaha dhanka maaliyadda ka taageera Soomaaliya, sida Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), Midowga Yurub (EU), iyo ergooyin ka socday safaaradaha dalalka si dhow ula shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Intii uu shirka socday, waxaa si qoto dheer looga dooday sidii loo dardargelin lahaa horumarinta dhaqaalaha dalka, iyadoo la xoojinayo iskaashiga Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha dhaqaalaha caalamiga ah, si loo gaaro horumar waara oo taageera adeegyada bulshada iyo dib-u-dhiska dalka.
Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Imaan Cige, iyo guddoomiyeyaasha bangiyada kala ah Bangiga Horumarinta iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay kasoo gudubtay marxalado adag oo dhinaca dib-u-habeynta dhaqaalaha ah, isla markaana ay haatan taagan tahay waqtigii laga faa’iideysan lahaa dadaalladii muddada dheer socday. Wasiirku wuxuu sidoo kale caddeeyay in Guddiga Sare (Board-ka) ee Bangiga Horumarinta, oo dhawaan la dhisay, lagu soo xulay si hufan, caddaalad ah, isla markaana ku saleysan aqoon, xirfad iyo karti.
Ugu dambayn, Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa ku bogaadiyay hay’adaha caalamiga ah sida ay u garab taagan yihiin dadaallada lagu hirgelinayo qorshayaasha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya xasilloonida iyo horumarka mustaqbalka dalka.