U bood dhigaalka

Khilaafka Trump iyo Ilhaan Cumar oo sababay beegsi iyo naceyb ka dhan ah Soomaalida Mareykanka iyo qarannimada Soomaaliyaba

Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweyne Donald Trump iyo Xildhibaanad Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka wakiillada Mareykanka, ayaa noqday mid si weyn u saameeyay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Mareykanka, sidoo kalena weeraro siyaasadeed iyo aflagaado u horseeday qarannimada Soomaaliya.

Is-maandhaafka labada mas’uul oo ka soo bilowday dood siyaasadeed oo ku saabsan arrimo gudaha Mareykanka ah, ayaa si degdeg ah u isu baddelay hadallo aflagaado ah iyo naceyb ku wajahan Soomaaliya iyo bulshada Soomaaliyeed.

Trump, oo ah hoggaamiye caan ku ah hadallada kicinta iyo kala qaybinta bulshada, ayaa dhowr jeer si toos ah u weeraray Ilhan Cumar, isaga oo hadallo liidid ahna u jeediyay Soomaalida oo dhan.

Madaxweyne Trump, isagoo ka jawaabaya dhaliilaha Ilhan Cumar ee ku saabsan siyaasaddiisa, ayuu dhowr mar jeediyay hadallo uu si weyn ugu dhaleeceynayo sharafta Soomaaliya iyo dowladnimada Soomaaliya.

Hadallada uu Trump wuxuu ku aflagaadeeyay Soomaalida iyo dalkoodaba waxaa kamid ah:

In Soomaaliya aysan qaran dhisanahayn,

Soomaalidu waa dad qashin ah,
Ma lahan dowlad shaqeysa, isla markaana way is dilayaan, Soomaaliya ma lahan Booliska, biyo ma haystaan, waxba hormar ahi kama jiro dalkooda.

Hadalladan aan diblomaasiyadda lahayn ayaa si weyn u taabtay qalbiyada shacabka Soomaaliyeed, iyagoo dareemay in lagu bartilmaameedsanayo khilaaf shakhsi ah oo laba qof ka dhexeeya.

Trump kuma koobnaan aflagaadaynta Soomaalida iyo dalkooda ee wuxuu qaaday tillaabooyin ay kamid yihiin in muwaadiniinta Soomaaliyeed laga mamnuucay inay u safraan Mareykanka, isagoo sidoo ku wacad maray inuu musaafurin doono Soomaalida ku nool Minneapolis iyo guud ahaan gobollada kale ee Mareykanka, gaar ahaan kuwa aan sharciyada haysan.

Tallaabooyinkaas ayaa sii huriyay cabsida iyo walaaca ay qabaan Soomaalidu, iyadoo ciidamada gaarka ah ee ICE ay billaabeen howlgallo ay ku beegsanayaan dadka Soomaaliyeed ee aan helin sharciyada joogitaan ee Mareykanka.

Ilhaan Cumar waa gabar Soomaaliyeed oo ay si weyn u qadariyaan ummadda Soomaaliyeed, waana qofkii ugu horreeyay ee ku biira aqalka Congess-ka Mareykanka ee ka soo jeeda Soomaaliya, balse waxay Soomaali badani is weydiinayaaan mucaaradnimada Xildhibaanadeedu ma mid lagu difaacayo sharafta iyo xuquuqda bulshada Soomaaliyeed baa mise waa arrintan dhib u horseeday dadka iyo dalka Soomaaliyeed?