Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay bannaanbaxyada ka socda magaalada Boorama
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay bannaanbaxyada xooggan ee saacadihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Boorama ee gobolka Awdal, kaas oo ay dadka ku dhaawacmeen.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ahmed Fiqi, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X kaga hadlay mudaharaadyada Boorama, asagoo ku baaqay in shacabka aan la caburinin, dhiiggooda aan la daadinin, lana dhegeysto codkooda iyo rabitaankooda.
Wasiirku wuxuu caddeeyay in haddii dadka muujinayaan aragtidooda lagu fasirayo gooni-goosadnimo ama siyaasad kale, aan la hor istaagin doonistooda, gaar ahaan hadba waxa ay shacabka reer Boorama ku baaqayaan.
“Shacabka waa in aan la caburin, dhiiggooda aan la daadinin, lana dhagaystaa codkooda iyo rabitaankooda, haddii lagu fasiray gooni-goosadnimada rabitaan shacab, yaan la hor istaagin rabitaanka dadka reer Boorame ka soo baxaya,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Wasiirku wuxuu intaas ku daray in bulshada adkaysata xaqooda ay ugu dambeyn gaari doonaan guusha ay hiigsanayaan, isaga oo ugu baaqay dhammaan dhinacyada in la dhowro badqabka shacabka iyo xuquuqdooda bannaanbax nabadeed.
Bannaanbaxyada Boorama oo bilaabmay habeenkii xalay, ayaa saaka kusii fiday qaybo badan oo magaalada ka mid ah, iyadoo wararka gobolka ka imanaya ay sheegayaan in ay jireen dhaawacyo iyo khasaare kale oo ka dhashay isku dhacyo u dhexeeyay ciidanka ammaanka iyo dadweyne careysan.