U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo war rasmi ah ka soo saartay xaaladda Boorama

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war ka soo saartay xaaladda magaalada Boorama ayaa walaac ka muujisay qalalaasaha rabshadaha wata ee ka dhacay Gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama, halkaas oo ay ku dhinteen dad rayid ah, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dowladdu waxay sheegtay inay aad uga xun tahay dhacdooyinkaas, waxayna tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehelada dadkii ku geeriyooday, iyadoo sidoo kale u rajeeysay caafimaad degdeg ah muwaadiniinta dhaawacyadu soo gaareen.

Dowladda ayaa ku tilmaamtay falka dhacay mid nasiib-darro ah oo laga baaqsan karay, iyadoo ku baaqday in laga fogaado wax kasta oo sii hurin kara xiisadda taagan.

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in maamulka Soomaaliland looga baahan yahay inay u turaan shacabka deegaanka, lana dhagaysto tabashadooda, iyadoo si masuuliyad leh loo wajahayo xal u helista cabashooyinka.

Dowladda ayaa ku adkaysatay muhiimadda ay leedahay in la dhowro dareenka bulshada iyo in laga dheeraado ficillada khalkhal gelin kara amniga iyo xasilloonida magaalada Boorama iyo guud ahaan Gobolka Awdal.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka ayaa ugu baaqday Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Ganacsatada, Haweenka, Dhalinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Awdal inay muujiyaan deganaansho, isla markaana ay joojiyaan wax kasta oo halis gelin kara badqabka iyo wadajirka bulshada, iyadoo wada-hadal loo arko jidka keliya ee lagu xallin karo xiisadda taagan.

Ugu dambayn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeysay inay diyaar u tahay ka qayb qaadashada gurmadka caafimaad ee dhaawacyada u baahan daryeel dheeri ah, iyada oo ay ka go’antahay ka shaqeynta nabadda, xasiloonida iyo ilaalinta nolosha shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.