Dowladda Soomaaliya oo xarigga ka jartay buundada Sabiib oo dib loo dayac tiray
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jartay buundada muhiimka ah ee deegaanka Sabiib, taas oo muddooyinkii dambe burbur iyo halis laga dareemayay, una aheyd marin istaraatiiji ah oo isku xira degmooyin badan oo gobolka ku yaalla.
Munaasabadda furitaanka buundadan oo ka dhacday deegaanka Sabiib ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Arrimaha Gudaha, wasiirka Arrimaha Gudaha, Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, wakiillo ka socday AUSSOM, iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.
Mas’uuliyiintan ayaa si wadajir ah xarrigga uga jaray buundada Sabiib iyo tan Caanoole, oo labaduba dib-u-dhis lagu sameeyay.
Buundadan ayaa lagu tilmaamay mid sare u qaadi doonta isku socodka shacabka, dhaqdhaqaaqa ganacsiga, iyo howlaha difaaca ee ciidamada, maadaama deegaanka Sabiib uu yahay goob muhiim u ah isku xirka Muqdisho iyo qeybo kale oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.