U bood dhigaalka

Muxuu yahay Furaha duulimaadyada ee ay dhowaan Soomaaliya dhowaan la soo waraagaysaahi ?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay mar dhow la wareegi doonto furaha duulimaadyada dalka, kaas oo ah nidaamka farsamo ee caalamku ugu aqoonsanyahay maamulka hawada sare ee dal kasta.

Furahan oo muhiim u ah hagidda, isku xirka iyo ammaanka duulimaadyada caalamiga ah, ayaa muddooyinkii burburka ka dib si ku-meel-gaar ah gacanta ugu jiray hay’ado caalami ah, balse hadda dowladda Soomaaliya ayaa ku dhow inay si buuxda u maamusho.

Furaha duulimaadyadu, oo sidoo kale loo yaqaan FIR Key, waa koor farsamo oo lagu hago diyaaradaha ka soo galaya ama mara hawada dalalka, laguna diiwaangeliyo dhammaan xogaha duulista sida amarada hagidda, digniinaha amni, xaaladaha cimilada iyo socodka diyaaradaha.

Nidaamkani waa lafdhabarta maamulka hawada sare, wuxuuna xaqiijiyaa in diyaaradaha caalamiga ahi si badbaado leh u maraan hawada dowlad kasta.

Soomaaliya waxa ay ku adkaysanaysaa muhiimadda uu furahan u leeyahay, maadaama uu yahay mid xiriir dhow la leh maamulka hawada, madaxbannaanida qaranka iyo dhaqaalaha dalka.

Marka dowladda Soomaaliya ay si buuxda u la wareegto furaha duulimaadyada, waxa kordhaya awoodda ay u leedahay maareynta socodka diyaaradaha, iyadoo sidoo kale ka helaysa dakhli muhiim ah oo ka yimaada adeegyada loo qabto diyaaradaha mara hawada dalka.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid istaraatiiji ah oo muujinaysa in Soomaaliya dib u hanatay maamulkeedii hawada sare.

i