Ku dhowaad 20 qof oo ku geeriyooday dhismeyaal ku burburay dalka Marooko
Ugu yaraan 19 qof ayaa ku geeriyooday, 16 kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii laba dhismo oo afar dabaq ah ay ku burbureen degmada Al-Mustaqbal ee magaalada taariikhiga ah ee Fes ee dalka Morocco, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee dowladdu.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in carruuri ay ka mid yihiin dadka dhintay, iyadoo labada dhisme ay daganaayeen siddeed qoys, taas oo muujinaysa baaxadda khasaaraha bani’aadan ee dhacdadu sababtay.
muuqaalada lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay ciidamo boolis iyo kuwa gurmad degdeg ah oo si weyn ugu howlan raadinta dadka ku hoos jira burburka.
Dhacdadan ayaa imaanaysa iyadoo dalka Morocco uu wajahayo cabashooyin ku saabsan xaaladaha nololeed ee sii xumaanaya.
Bishii September, dibadbaxyo ballaaran ayaa ka dhacay gobollo kala duwan, kuwaas oo looga cabanayay saboolnimada, adeegyada bulshada oo liita iyo culaysyada dhaqaale.