Muxuu yahay halka shay ee uu Trump sheegay inay Soomaalidu ku feecanyihiin ?
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale u gafay Soomaalida, asagoo sheegay inay Soomaaliya tahay meel musiibo ah, wasakhaysan, islamarkaana dembiyo badani ay ka dhacaan.
Trump oo jeedinayay hadal u muuqday mid uu Ilhan Omar ugu jawaabayay ayaa intaas ku daray in Soomaalidu waxa keliya ee ay ku fiicanyihiin ay tahay sida loo weeraro maraakiibta oo uu ula jeeda burcad-badeednimada.
Hadallada gefka iyo meel ka dhaca ku ah Soomaalida ayaa muddooyinkii dambe kamid noqday hadal jeedinta joogta ah ee madaxweynahan caadaystay oraahyada baalmarsan hab dhaqanka hoggaamiyaasha caalamka iyo hannaanka dublumaasiyadda.
dhowr mar ayuu horay u aflagaadeeyay bulshada Soomaalida oo dhan iyo dowladooda, balse madaxda DFS iyo kuwa dowlad goboleedyadu u jawaabiddiisa aamuska ayay ka doorbideen.