U bood dhigaalka

Afrika oo maraysa imtixaan dhanka daah-furnaanta doorashada ah iyo dalal ay Soomaaliya kamid tahay oo jawi doorasho ku jira

Sanadka soo socda ee 2026 waxaa lagu wadaa inuu noqdo mid imtixaan culus u ah dimuqraadiyadda qaaradda Afrika, gaar ahaan dalalka Geeska Afrika oo ay doorashooyin isha lagu wada hayaahi ay ka qaban doonaan.

Soomaaliya, Uganda, Jabuuti iyo Itoobiya ayaa la filayaa in 2026-ka doorasho dadweyne looga dareero, balse caqabado baaxad leh ayay wahahayaan dhammaantood, waxaana taagan weydiin ah ma noqon doonaan doorashooyinkaasi kuwo daah-furan, hufan oo lagu kalsoonaan karo?

Soomaaliya ayaa ugu horreyn la filayaa inay gasho doorashooyin heerar kala duwan leh oo isugu jira kuwa deegaannada, baarlamaanka, iyo Madaxtooyada, iyadoo dowladda Federaalka ay ku dadaalayso in doorashada 2026 ay noqoto mid ku saleysan qof iyo cod.

Si kastaba ha ahaatee, amniga liita, khilaafaadka siyaasadeed iyo isku dhacyada u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa shaki gelinaya sida ay suurtagal u noqon karto in doorasho hufan oo mideysan laga qaban karo dalkan ka soo kabanaya colaadda sokeeye iyo burburka dowladnimo.

Dhanka kale, Uganda ayaa iyaduna ka mid ah dalalka sida weyn loo eegayo, ayadoo Madaxweyne Yoweri Museveni oo talada haya tan iyo 1986-dii, aan weli la caddeyn inuu mar kale isu sharxi doono madaxtinnimada iyo in kale, balse mucaaradka iyo beesha caalamku waxay hore u dhaliileen hannaanka doorashooyinka dalkaas oo lagu tilmaamay mid aan u madax-bannaanayn si buuxda.

Doorashada Uganda waxay noqon doontaa mid lagu qiimeeyo mustaqbalka hoggaaminta dalka, iyo in isbeddel dhab ah uu ka imaan karo dalkan ku dhowaad 50-ka sano ku jiray xukunka keli-taliska ah.

Jabuuti oo lagu yaqaanno xasillooni siyaasadeed oo ka duwanaan karta dalalka dariska la ah, ayaa iyaduna 2026 qabanaysa doorasho si dhow loo wada eegayo, balse su’aalaha la iska weydiinayo ayaa ah kuwa ku saabsan hufnaanta tartanka, ayadoo maadaama Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo muddo dheer xukunka hayay oo weli hoggaaminta u hanqal taagayo.

Itoobiya, oo weli ka soo kabanaysa dagaalkii Tigray iyo xiisadaha qowmiyadaha, ayaa sidoo kale wajahaysa doorasho 2026 ah oo lagu qiimeynayo sida dib-u-heshiisiinta dalka u socoto.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed waxay isku dayaysaa inay dhisto jawi siyaasadeed oo xasilloon, balse colaadaha qaybo ka mid ah dalka ka jira iyo muranka ku saabsan awood-qaybsiga ayaa weli caqabad ku ah hannaanka doorashada.

Doorashadan waxay muujin doontaa in Itoobiya awood u leedahay inay ku laabato jidka dimuqraadiyadda iyo dowladnimada hufan iyo in kale.

Si kastaba ha ahaatee doorashooyinkii dhowaan ka dhacay dalalka qaaradda qaarkood ayaa ku soo dhammaaday boob iyo ku shubasho iyo afgembi militari, ayadoo dalal badani ay gacanta u galeen xukunkii keligii taliska ee afrika ay 60-meeyadii iyo 70-tameeyadii caanka ku ahayd.