U bood dhigaalka

Xariirka kubadda cagta Soomaaliya oo shaaciyay xilliga la qabanayo tartanka ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay waqtiga uu bilaabanayo tartanka kubadda cagta ee u dhexeeya kooxaha Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Cali Cabdi Maxamed, oo goordhow la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in tartankan uu dhici doono, islamarkaana uu noqon doono mid xoojinaaya xirfadaha ciyaartoyda Soomaaliyeed iyo tartanka heer qaran.

Cali Cabdi Maxamed ayaa intaa ku daray in qorshaha yahay in dhowaan la sameeyo qori tuur toos ah oo warbaahinta  lagala socan doono, si loo hagaajiyo isku aadka kooxaha.

Tartanka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa la filayaa inuu noqdo mid sare u qaada heerka ciyaaraha Soomaaliya, isla markaana kor u qaada fursadaha ciyaartoyda dhalinyarada ah ee doonaya in ay ka mid noqdaan xulka qaranka.

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in tartanku uu horseed u noqan doono is dhexgal bulsho, nabad dhis iyo is jaclaysiin dadweyne.