U bood dhigaalka

Xildhibaan Yuusuf Xasan ” Trump waxaa dhibtay Gabar Soomaaliyeed oo karti badan, ayadoo rag Soomaaliyeed aysan is gaarin”

Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa baaq xooggan u diray shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaashado midnimada iyo wadajirka ummadda, xilli xaalado siyaasadeed iyo kuwo amni ay wajahayaan.

Xildhibaanka oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday dalkaas ayaa sheegay in Soomaaliya ay mar walba ku soo jeedasn indhaha caalamku, gaar ahaan Maraykanka, isagoo tilmaamay in madaxweynaha Maraykanka uu ka seexan la’yahay Soomaalida, taas oo uu ku fasiray mudnaanta iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay istiraatiijiyad ahaan iyo kartida dadka Soomaaliyeed.

Isagoo sii hadlaya ayuu Xildhibaanku sheegay in aanay suurtagal ahayn in Soomaaliya dib ugu laabato khilaaf iyo kala-jab qoys-qoys, isagoo tilmaamay in ay lama huraan tahay in shacabka iyo hoggaanka ay u midoobaan hagaajinta dalka.

Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi ayaa tusaale u soo qaatay dhaqanka iyo dadaalka haweenka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in gabar Soomaaliyeed oo karti iyo adkaysi badani ay ka qeylisiisay madaxweynaha dalka adduunka ugu awoodda badan.

“Trump waxaa dhibtay Gabar Soomaaliyeed oo karti badan, ayadoo rag Soomaaliyeed aysan is gaarin” ayuu yiri Xildhibaanku.

Hadalkiisa ayaa ku soo adaaya xilli Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu muddooyinkii dambe Soomaalida si xun u aflagaadaynayay, asagoo ku tilmaamayay meel musiibo ah, wakhaysan, aan booliis lahayn, wax hormar ahina ka jirin.