Beegsiga iyo aflagaadada Trump oo indhaha caalamka ku soo jeediyay Soomaalida iyo warbaahinta dunida oo hadal-haysa arrintaas
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale jeediyay hadal dhaliyay dood iyo falcelin ballaaran, kaddib markii uu si kaftan ah u xusay Soomaalida xilli uu Aqalka Cad ku qaabilay qaar ka mid ah ciyaartoyda xulka qaranka Maraykanka ee Hockey-ga.
Intii kulankaasi socday, Trump ayaa ciyaartoyda weydiiyay in xulka uu ku jiro qof Soomaali ah, isagoo isla markiiba raaciyay hadal uu ku yiri, “uma maleyn maayo.”
Hadalkaasi oo u muuqday kaftan, ayaa haddana si degdeg ah u qabsaday warbaahinta caalamka, kuwaas oo si weyn u falanqeeyay ujeedka uu ka lahaa oraahdaas.
Xulka Hockey-ga Maraykanka oo ka kooban 20 ciyaaryahan, ayaa la xaqiijiyay in 13 ka mid ah ay ka soo jeedaan gobolka Minnesota, gobolkaas oo ay ku badanyihiin dad Soomaaliyeed, ayadoo lagu yaqaanno firfircoon, iyo ka qayb qaadashada hormarinta noloshada bulshada, oo isboortiga iyo dhaqaaluhu ay ku jiraan.
Warbaahinta Carabta ayaa dhankooda si weyn u hadal-haya beegsiga uu Trump ku hayo Soomaalida, ayagoo fallanqeynno iyo wareysi ka samaynaya taariikhda Soomaalida iyo kaalinta muuqata ay ku leeyihiin gobollada ay Mareykanka iyo dalalka kaleba uga noolyihiin.
Fallanqeeyayaal carbeed oo u badan masaari iyo Falastiiniyiin ayaa si weyn u difaacay Soomaalida, xilli ay ka qeyb-galayeen wareysi iyo barnaamijka diiradda lagu saarayay sababta uu Trump Soomaalida u beegsanayo.
Saber Mashhour oo wariye iyo hal-abuure rugcaddaa ah oo ku nool dalka Turkiga ayaa sheegay in Muslimiinta ugu wanaagsani ay ku noolyihiin Soomaaliya, Senegal, iyo Afghanistan.
Wuxuu intaa ku daray in Soomaalida ay yihiin dad dhaqan wanaagsan oo martidooda karaameeya, sidoo kalena gumeysteyaashii reer Yurub si adag ula dagaalamay, ayagoo diintooda iyo sharaftooda ku mitidaya.
Saber Mashhour wuxuu sheegay inay jaaliyadda Soomaalida ee Mareykanku yihiin dad aad u muhiim ah, asagoo intaa ku daray in haddii ay yihiin dad aan macno lahayn oo qashin ah sida Trump uu sheegaya, asaga oo madaxweynaha Mareykanka ah aanu maalin walba hadal hayeen.
dhaliilaha cunsuriyadda ah ee Donald Trump uu u jeediyay jaaliyaddeenna qaaliga ah ee Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Minnesota iyo guud ahaan Maraykanka.
Dr. Khalid Al-Tarraani oo asna ah Cilmi-baare ku takhasusay arrimaha siyaasadda ayaa sheegay in Soomaalidu ay muddo qarniyo ah deganaayeen gobolka Minnesota, asagoo sheegay inay yihiin jaaliyad aad u tayo badan oo ka dhex muuqda bulshada.
DR.Khalid wuxuu beegsiga Trump ee Soomaalida ku tilmaamay cunsuriyad, asagoo hadalkiisa ku xoojiyay in Soomaalida dalkaas ku nool intooda badani haystaan sharciga Mareykanka, qaadashada cayrtuna aysan ayaga ku koobnayn oo xittaa muwaadiniinta kale ay sidaas oo kale u qaataan.
Si kastaba ha ahaatee beegsiga Trump ayaa Soomaalida indhaha caalamka ku soo jeediyay, ayadoo masuuliyiin ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay arrintaas ka hadleen, islamarkaana ku tilmaameen xaasidnimo iyo cunsuriyad aan waxba ka badeli karin waxtarka iyo firfircoonida Soomaalida iyo qarankooda dib u dhiska ku jira.