Golaha Shacabka oo muran xooggan ka dhex dhaliyay Sharciga Booliiska, xildhibaano badan oo qaadacay
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta loo gudbiyay Sharciga Booliiska si loo ansixiyo, hase yeeshee fadhigii maanta waxaa hareeyay muran xooggan kaddib markii xildhibaano badan ay qaadaceen sharciga, iyagoo dalbanaya in dib loo celiyo lana joojiyo ansixintiisa xilligan.
Xildhibaanada sharcigan diidan ayaa sheegay in uu xambaarsan yahay qodobo muran dhaliyay oo aan weli si cad loo qeexin, gaar ahaan kuwa la xiriira xuquuqda iyo waajibaadka Booliiska.
Waxay sheegeen in qaar ka mid ah xuquuqda Booliiska si aan sharciyad cad lahayn loogu qoray sharciga, halka kuwo kalena ay tilmaameen in uu leeyahay khaladaad sharciyeed oo u baahan in la saxo ka hor inta aan Golaha horkeenin.
Xildhibaan Faaiso Jeyte ayaa si adag u dhaliishay hab-dhaqanka Booliiska, iyadoo tusaale u soo qaadatay dhacdooyin hore oo ay sheegeen in ay muujinayaan in sharciga hadda jira aan lagu dhaqmin.
“Booliiska sharci kuma shaqeeyo. Saxaafadda ayaa qalabkooda laga qaatay, maxkamadna way xukuntay, haddana qalabkii wali Booliiska ayaa haysta. Haddaba Booliiska sharciga ku shaqeynaya xaguu joogaa?” ayay tiri Xildhibaan Faaiso Jeyte.
Sidoo kale, Xildhibaan Cabdinuur ayaa Golaha ka hor sheegay dhacdo kale oo uu ku tilmaamay mid muujinaysa burbur ku yimid nidaamka kala dambeynta iyo ixtiraamka darajooyinka ciidanka.
“Korneel Booliis ah oo macallin ah ayaa la leeyahay doraad wuxuu u hanjabay Korneel ka darajo sareeya, isagoo ku leh ‘waryaa sidee u hadli kartaa?’ Arrintaasi waa mid aad u khatar badan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdinuur.
Eedda ugu badan ee xildhibaanadu jeediyeen ayaa si gaar ah ugu wajahneyd Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir, iyagoo ku eedeeyay in uu jabiyay Sharcigii Booliiska ee hadda jiray, isla markaana uu masuul ka yahay falal iyo amarro lagu tilmaamay kuwo ka baxsan sharciga.
Xildhibaanada diidan sharcigan ayaa ku baaqay in marka hore dib u eegis qoto dheer lagu sameeyo qodobada muranka dhaliyay, lana hubiyo in sharcigu si buuxda ula jaanqaadayo Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka, ka hor inta aan la horgeyn Golaha Shacabka si ansixin rasmi ah loo siiyo.