WAR DEGDEG AH: Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo Isbeddel Ku Sameeyay Golaha Wasiirrada
Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u sameeyay isbeddel xukuumadeed, kaddib wareegto maanta ka soo baxday xafiiskiisa, taas oo uu warbaahinta u akhriyay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdinaasir Axmed Baashiir.
Wareegtadan ayaa lagu magacaabay wasiirro cusub, halka kuwo kalena xilalka laga qaaday, iyada oo isbeddelku taabanayo wasaarado muhiim ah oo ka mid ah Xukuumadda Federaalka.
Sida lagu caddeeyay wareegtada:
Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha. Jamaal ayaa horey usoo noqday Wasiirka Qorsheynta Qaranka, sidoo kalena leh khibrad diblomaasiyadeed oo ballaaran.
Xildhibaan Ayuub Yuusuf Ismaaciil ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska, isagoo hadda ka tirsan Golaha Shacabka, horayna usoo noqday Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Aqalka Sare (Senate).
Dhanka kale, wareegtada Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu xilka looga qaaday:
Xildhibaan Geesood
Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur
Mas’uuliyiintan xilalka laga qaaday ayaa ka mid ahaa Golaha Wasiirrada, waxaana xil ka qaadistooda lagu sababeeyay baahida loo qabo dib-u-habeyn iyo dardar-gelin waxqabad xukuumadeed.
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in isbeddelkan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo hannaanka dowladnimo, kor loogu qaadayo waxqabadka wasaaradaha, lana waafajinayo qorshaha horumarineed ee dowladda.