Maxaa looga hadlay kulanka Axmed Madoobe iyo wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub?
Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa magaalada Kismaayo kulan kula qaatay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, danjire Francesca Di Mauro.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray geeddi-socodka doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), kaalinta dowlad-goboleedyada, iyo shirka wadatashiga mucaaradka ee la filayo inuu dhawaan ka qabsoomo Kismaayo.
Sida ay ila xog-ogaal ahi sheegeen Mas’uuliyiinta ayaa ka wada-hadlay muhiimadda ay leedahay in doorashooyinka loo wajaho si hufan, loo dhan yahay, isla markaana ay ku dhisan yihiin wadatashi iyo heshiis siyaasadeed.
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, ayaa kulanka ku adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay wada-shaqeyn dhow oo u dhaxaysa dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo xasillooni siyaasadeed iyo hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay.
Kulankan ayaa imanaya xilli ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu dedejiyo hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay, iyadoo isha lagu wada hayo shirka la filayo inuu dhowaan magaalada Kismaayo uga furmo madaxda Jubbaland iyo Puntland iyo hoggaamiyaasha mucaaradka.