U bood dhigaalka

Maxay mucaaradku doonayaan, dowladduna fulin la’dahay ?

Soomaaliya ayaa wajaheysa khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, kaas oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka, xilli dalku ku jiro marxalad xasaasi ah oo la xiriirta doorashooyinka, dib-u-habeynta dastuurka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waqti iyo dedaal badan gelinaysa qabashada doorasho oo qof iyo cod ah, taas oo la filayo inay dhammaadka sanadkan ka dhacdo dalka, inkastoo caqabado badani ay ku hor gudbanyihiin.

Dhanka kale hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxda dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa dhowaan la filayaa  inay dhowan magaalada Kismaayo ku yeeshaan shir ay diiradda ku saarayaan xaaladda dalka iyo doorashooyinka soo socda.

Mucaaradka iyo hoggaamiyaasha labada maamul waxay gebi ahaanba diidanyihiin doorashada qofka iyo codka ah, wax ka badelkii lagu sameeyay cutubyo kamid ah dastuurka, sidoo kalena waxay dhaliilsanyihiin hab maamulka guud ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Is-mari-waagan siyaasadeed ee taagan ayaa ah mid dabiici  ka noqday Soomaaliya xilliyada kala guurka, balse wada-tashiyada iyo isku tanaasulka ayaa ahaa xalk keliya ee looga soo gudbi jirey marxaladii murugsanaa ee la soo maray.

Haatan hoggaamiyeyaasha mucaaradku waxay dalbanayaan in doorashadu ay noqatay middii dadbanayd oo teendhada lagu kala baxo, ayagoo ka walaacsan in hannaanka qofka iyo codka ahi uu horseedo muddo-kororsi iyo ku shubasho midkood.

Sidoo kale waxay ku adkaysanayaan in laga laabto wax ka badelkii lagu sameeyay cutubyo kamid ah dastuurka dalka ee Kumeel-gaarka ah, Villa Soomaaliya waxay ka biya-diidantahay in lagu noqdo afartii cutub ee wax ka badelka lagu sameeyay ee dastuurka, sidoo kalena waxay xoogga saaraysaa in hannaanka doorashadu noqdo qof iyo cod.

Labadaas arrimood ayaa ugu waaweyn dalabyada Mucaaradka ee dowladdu tanaasulka ka muujin la’dahay, balse Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dhowr mar sheegay inuu xal kasta diyaar u yahay ee mucaaradku ay warkooda caddayn la’yihiin.

Si kastaba ha ahaatee labada dhinacba waxay wadaan dedaal xooggan oo ay doonistooda ku meel marinayaan, lama’se oga halka ay xaaladdu ku dambeyn doonto, xilli ay jiraan isku dayo ay beesha caalamku xal dhexdhexaad ah ku raadinayso.