Taariikh Nololeedkii Prof. Shariif Saalax oo loogu magac-daray Masraxa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (SNU) ayaa si rasmi ah u daahfurtay masrax weyn oo loogu magac daray Prof. Shariif Saalax, taas oo muujinaysa qaddarin qaran oo loo hayo haldoorkii waxbarashada kaalinta weyn ka soo qaatay .
Munaasabadda furitaanka masraxa ayaa waxaa ka soo qeyb-galay masuuliyiin dowladeed, aqoonyahanno, hal-abuureyaal, suugaan-yahanno iyo marti sharaf kale, kuwaas oo dhammaantood bogaadiyey kaalintii lama illaawaanka ahayd ee Prof. Shariif Saalax.
Prof. Shariif Saalax wuxuu ku dhashay agagaarka magaalada Xudur ee gobolka Bakool sanadkii 1936-dii, xilli ay Soomaaliya ku jirtay marxalad gumeysi iyo baraarug aqooneed isugu jirta.
Wuxuu ku barbaaray jawi ku dhisan waxbarasho, dhaqan iyo wacyi bulsho, taas oo saldhig u noqotay shakhsiyaddiisa aqooneed iyo hal-abuurkiisa mustaqbalka.
Prof. Shariif Saalax wuxuu ka mid ahaa aqoonyahannadii hormuudka u ahaa aas-aaska waxbarashada sare ee Soomaaliya, isagoo noqday macallin jaamacadeed oo waayo-aragnimo dheer leh.
Wuxuu sidoo kale kaalin muuqata ka qaatay dhismaha iyo tayeynta nidaamka waxbarashada jaamacadeed, gaar ahaan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo madax ka soo noqday.
wuxuu ahaa cilmi-baare caan ah, kana mid ahaa guddigii qoray far-qoraalka Af-Soomaaliga, taas oo ka dhigtay shaqsi door taariikhi ah ku leh horumarka afka iyo aqoonta Soomaaliyeed.
Dhanka fanka iyo dhaqanka, Prof. Shariif Saalax wuxuu ahaa tiir-dhexaad aan la dafiri karin, wuxuuna si gaar ah u daneyn jiray fanka masraxa, isagoo ka soo shaqeeyay:
Qorista iyo hagidda riwaayado masraxiyadeed
Tababarrada jilayaasha iyo hal-abuurka
Adeegsiga masraxa si loo gudbiyo farriimo wacyigelin bulsho, waddaniyad iyo anshax huwan.
Bandhigyada uu hormuudka ka ahaa waxay ahaayeen kuwo xambaarsan micno qoto dheer, isla markaana saameyn ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda.
Shariif Saalax wuxuu ahaa Danjire meelo badan Soomaaliya safiir uga noqday, siyaasiyi xilal kala duwan soo qabtay, cilmi baare guddoomiye u ahaa guddigii qoray Af-Soomaaliga, qoraa buugaag badan soo saaray, iyo macallin muddo dheer qaranka u soo shaqaynayay.
Waxbariddiisu ma ahayn mid ku kooban fasalka oo keliya, balse wuxuu dhisay jiilal leh fikir, hal-abuur iyo mas’uuliyad bulsho.
Guddoomiyaha Akadeemiyad goboleedka Af-Soomaaliga ee AGA prof-Siciid Saalax Axmed oo ka sheekeeyay taariikh nololeedka Prof. Shariif Saalax Axmed ayaa sheegay inuu ahaa macallin, Qoraa, Cilmi-baare, dublumaasi, iyo siyaasi rugcaddaa ah oo qaranka u soo shaqaynayay ilaa 50-meeyadii.
Prof. Shariif Saalax wuxuu ku geeriyooday magaalada Muqdisho sanadkii 2014-kii, isagoo ka tagay dhaxal aqooneed, mid faneed iyo mid waddaniyadeed oo qoto dheer, kuna reebay qalbiyada shacabka Soomaaliyeed xusuus aan marnaba la iloobi doonin.