U bood dhigaalka

Kaalinta Itoobiya ee Nabad-ilaalinta Soomaaliya,  Faragelin mise Iskaashi Istiraatiiji ah?

Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991, dalku waxa uu galay marxalado isugu jira colaado daba-dheeraatay, fowdo siyaasadeed iyo khataro amni oo saameyn ku yeeshay guud ahaan Geeska Afrika.

Xaaladahan cakiran ayaa ku qasabtay beesha caalamka iyo dalalka deriska ah in ay qaataan kaalimo kala duwan oo ku aaddan nabadeynta Soomaaliya, iyadoo Itoobiya ay noqotay waddanka ugu saameynta badan ee ka qayb qaata howlaha amni iyo nabad-ilaalin.

Inkastoo Itoobiyaanku ay ku doodayaan inay Soomaaliya nafta u hureen, haddana gudaha dalka markii la joogo joogitaanka ciidanka Itoobiya waxaa loo arkaa mid kamid ah caqabadaha ku hor gudban dowladnimada iyo xasilloonida gudaha.

Geeska Afrika waa gobol istiraatiiji ah balse ay ka jiraan xasillooni-darro, argagixiso, burcad-badeednimo iyo tartan kheyraad, hayeeshee joogitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya oo haatan 20 sano ku dhow ayaan u muuqan mid guulo wax ku ool ku tillaabsaday.

burburkii dowladnimada waxa uu sababay dagaallo sokeeye, kala-qoqob beeleed, iyo kororka kooxaha hubeysan, gaar ahaan Al-Shabaab, taasina waxay horseeday in dalalka deriska ah qaarkood ay ku soo hoos gambadaan si ay ujeeddooyin u gaar ah gudaha dalka uga fushadaan.

Markii faragelintii caalamiga ahayd ee Mareykanku hoggaaminayay sanadihii 1992–1993 ay ku dhammaatay guul-darro, quwadihii reer galbeedku way ka laabteen Soomaaliya, taas oo abuurtay firaaq amni, iyo dowlad la’aan, taas oo dalalka ay Itoobiya kamid tahay ku dhiirigelisay inay dalka soo galaan danahoodana ka ilaashadaan.

Ka-qaybgalka Itoobiya ee howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya waxa uu soo maray saddex marxaladood oo waaweyn, Marxaladdii koowaadna waxay ahayd (1996–2006), ayadoo Itoobiya ay samaysay faragelin toos ah oo ay ku difaaceyso ammaankeeda, taas oo ugu dambeyn keentay duullaankii 2006 ee ka dhanka ahaa Maxkamadihii Islaamiga ahaa.

Inkastoo faragelintaasi ay keentay wax ay Addis Ababa u aragto guulo militari, haddana waxay dhalisay falcelin taban oo bulshada dhexdeeda ah, isla markaana si dadban u xoojisay Al-Shabaab.

Markii la ogaaday in faragelin keligeed ahi aysan xal waara keeni karin, Itoobiya waxay u gudubtay marxaladdii labaad, taas oo ahayd ku biirista howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan sannadkii 2014, ayadoo sidoo kale sirdoon ahaan ugu dhex milantay nidaamka dowliga ah ee Soomaaliya.

Sanadihii la soo dhaafay Itoobiya waxay samaysay faragelin toos ah oo ay kula kala safatay dowladda iyo dowlad goboleedyada, ayadoo dhowaan isku dayday inay damaceeda bad doonka ah qiil uga raadiso joogitaankeeda amni ee Soomaaliya.

Itoobiya waa dalka xuduudda ugu dheer la leh Soomaaliya, ayadoo deris la ah dhammaan maamul goboleedyada, Soomaaliland, Jabuuti iyo xitaa gobolka Soomaalida ee Kenya maamusho, faragelinteeda taban ayaana ka saamayn badan taageeradeeda amni sida ay xeeldheerayaasha iyo waxgaradkuba wada qirayaan.