U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ku dhawaaqay in maalinta doorashada goleyaasha deegaanka uu dalku bandow geli doono

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa si rasmi ah u shaaciyay in maalinta doorashada goleyaasha deegaanka oo ku beegan 25-ka bishan, uu dalkoo dhan geli doono bandow si loo xaqiijiyo amniga, hufnaanta iyo habsami-u-socodka doorashada.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa ku dhawaaqay go’aankan, isaga oo sheegay in maalintaas ay keliya socan doonaan codbixiyeyaasha doorashadu.

bandowga ayaa la filayaa in uu dhaqan-geli doono laga bilaabo saacadaha hore ee subaxnimada maalinta doorashada, isla markaana la qaadi doono marka la soo gabagabeeyo hawlaha codbixinta.

Si kastaba ha ahaatee bandowgan ayaan la ogeyn inuu saamayn doono caasimadda oo keliya iyo in magaalooyinka kale ee dalkana uu ka dhaqan-geli doono, maadaama dowlad goboleedyada qaarkood ay diidan yihiin doorashada cod iyo qofka ah.