Puntland oo faahfaahin ka bixisay dalxiisayaal ajanabi ah oo dhowaan loo diiday inay ka dhoofaan Garoowe
Dowlad-goboleedka Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay sababta keentay in dhowaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe lagu xannibo dalxiiseyaal ajanabi ah, kuwaas oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Ceydiid Dirir, ayaa sheegay in dalxiisayaashaasi horey fasax ugu qaateen booqasho magaalooyin Garoowe iyo Eyl, balse ay jebiyeen shuruudihii loo oggolaaday kadib markii ay si iskood ah ugu safreen magaalada Laascaanood, oo aan ku jirin meelihii fasaxa loo siiyay.
Wasiir Ceydiid ayaa carrabka ku adkeeyay in Puntland ay leedahay nidaam iyo xeerar u degsan socdaalka ajaanibta, gaar ahaan dalxiisayaasha, kuwaas oo waajib ay ku tahay inay ku ekaadaan magaalooyinka ay horey u codsadeen oo loo fasaxay inay booqdaan.
Wuxuu xusay in aan la aqbali karin in dalxiisayaashu ay si iskood ah ugu safraan goob kasta oo ay rabaan, sababo la xiriira amniga iyo mas’uuliyadda dowladda.
Hadalkan wasiirka ayaa imanaya xilli dhowaan mas’uuliyiinta amniga Puntland ay garoonka Garoowe ku hakiyen dalxiiseyaal ajanabi ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay safar fasax la’aan ah ku tageen magaalada Laascaanood, ka hor inta aysan u ambabixin Muqdisho.
Xannibaaddaasi ayaa socotay saacado kooban, waxaana ugu dambeyn loo oggolaaday inay sii wataan safarkooda, ayagoo ka dhoofay magaalada Gaalkacyo.