Puntland oo xir xirtay dad magaalada Badhan ka waday olole Soomaaliland lagu taageerayo
Maamulka Puntland ayaa xabsiga magaalada Boosaaso u taxaabay dad gaaraya sagaal qof oo laga soo qabtay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, kuwaas oo lagu eedeeyey inay abaabulayeen xaflad lagu taageerayo Somaliland, sida ay xaqiijiyeen ilo amni.
Dadka la xir xiray waxaa ka mid ah taliyihii booliiska Badhan ee Somaliland, nin sawirqaade, iyo dad kale oo rayid ah, Ilo-wareedyo ku dhow ciidamada ammaanka Puntland ayaana sheegay in tallaabadan ay ka dambeysay xog amni oo la xiriirtay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo Puntland u aragtay kuwo khatar ku ah amniga iyo midnimada deegaannada ay maamusho.
Arrintan ayaa imanaysa kaddib markii Somaliland maalin ka hor ay degmooyinka Badhan iyo Laasqoray u magacowday guddoomiyaal cusub, balse waxaa la xaqiijiyey in guddoomiyaashaasi aysan ka mid ahayn dadka ay Puntland xabsiga u taxaabtay.
Waa markii ugu horreysay muddooyinkaan dambeeyay ee Puntland si muuqata u qaaddo tallaabo ka dhan ah dhaqdhaqaaqyada Somaliland ee gobolka Sanaag, ayadoo labada dhinac ay bilihii la soo dhaafay si weyn isugu soo dhowaanayeen ka dib dhismihii dowlad goboleedka Waqooyi Bari.